Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Kenya Oo Ku Baaqay In Ciidankooda Laga Saaro Soomaaliya

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya gaar ahaan kuwa kasoo jeeda isbahaysiga mucaaradka ayaa ku baaqay in ciidankooda laga saaro gudaha Soomaaliya.

Waxay xildhibaanadaan dowladooda ku booriyeen inay aqbasho codsiyada kaga imaanaya qaar badan oo ka mid ah bulshada Kenyanka ah, gaar ahaan ehlada askartooda ku geeriyootay weerarkii Al-shabaab ay dhawaan ku qaadeen deegaanka Ceelcadde ee gobalka Gedo.

Qaar ka mid ah xildhibaanadaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya loo baahan yahay in dalkooda dib loogu celiyo.

Waxaa jira culeysyo badan oo madaxweynaha dalka Kenya uga imaanaya qeybaha kala duwan ee bulshada Kenya wixii ka dambeeyay weerarkii Ceelcadde, waxaana dadkani ay doonayaan in ciidankooda laga saaro Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa askar badan ku weysay todobaadkii tagay weerar ciidamada Al-shabaab ku qaadeen xero ciidan oo ku taalla deegaanka Ceelcadde ee gobalka Gedo.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW