U bood dhigaalka

Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Kenya Oo La Kulmay Mas’uuliyiin Ka tIrsan Koonfur Galbeed

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maalintii shalay ahayd tagey xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya kuwaasi oo halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Xildhibaannadan waxaa ka mid ahaa xildhibaan Ilyaas Barre Shiil oo ka warbixiyey ulajeedka magaaladaasi u tageen.

Waxa uu sheegay in safarkaan ay ku tageen Baydhabo uu qeyb ka yahay safari ay ku tagi doonaan dhammaan maamul goboleedyada dalka.

Waxay xildhibaannadan la kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed oo ay ka mid yihiin Guddoonka baarlamaanka Kenya sida uu soo sheegayo wariyaheena Aadan Geesey oo ku sugan Baydhabo.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga shiray ayaa ka mid ah arrimaha nabad galyada iyo sidoo kale dhanka tababarada ciidanka.

Safarka ay ku yimaadeen magaalada Baydhabao xildhibaanno Kenyan ah ayaa imaanaya xilli  dowladda Kenya ay sheegtay inay xireyso xeryaha qaxooti ee Dhadhaab iyo Kaakuma.

Goobjoog News