U bood dhigaalka

Mudanayaal Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Xalinaya Xiisad Ka Jirta Garbahaarey

Sheeko:Baarlamaanka

Degmada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo waxaa gaaray xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya, iyo sidoo kale mas’uuliyiin, kuwaa oo doonaya in ay xalliyaan xiisad siyaasadeed ka jirta magaaladaasi.

Mudanayaashaan gaaray degmada Garbahaarey, waxaa hogaaminaya xildhibaan Maxamuud Cali Magan, waxaana ay la kulmi doonaan dhinacyada siyaasadda isku haya ee Garbaaharey.

Maxamed Cabdi Kaliil oo ah gudoomiyahii hore ee Gedo iyo Iimaan Cadow Kaarshe ahaa gudoomiyahii Garbahaarey ayaa gabi ahaantoodba waxa ay diidan yihiin in xilalkaasi laga qaaday.

Taasi ayaa waxay keentay in qalqal siyaasadeed xooggan uu ka beermo degmada Garbahaarey, sidoo kale waxaa degmadaasi ka dhacay dibadbax aad u ballaaran.

Garbahaarey waxaa kusii suganaa madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, kaasi oo ku baxay khilaafka ka jira Garbahaarey.

Goobjoog News