U bood dhigaalka

Xildhibaanno ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Oo Soo Dhaweeyay Shirka Dib u Heshiisiinta Ee Baladweyne

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shirka dib u heshiisiinta ee ka furmay Shalay magaalada Baladweyne, iyagoo si aad ah u soo dhaweeyay madasha kuna sheegay mid Soomaali oo dhan u furan.

Xildhibaan Daahir Xasan Cabdi oo ugu horreyn la hadlay saxaafadda ayaa sheegay sababta ay baladweyne u yimaadeen oo ay ku sheegeen iney soo ajiibeen shirka ay duubabku ku dhawaaqeen, shirka ayaa waxa uu ku tilmaamay mid gobolka kaliya aan ku koobneyn isla markaana Soomaali weyn oo dhan loogu talagalay.

“Anaga haddaan nahay xildhibaanada waxaan ku hadleynaa dhamaan magaca xildhibaanada gobolka Hiiraan iyo xildhibaanada dowladda federaalka oo dhan, taa macneheedu waa wax na diidan ma jiro, dhamaan xildhibaanadu waa nawada taageersan yihiin, dib u heshiisiin siyaasad waa ka madax banaan tahay, waxaa hoggaaminaya odayaasha dhaqanka, waxaan si buuxda u taageer sanahay howsha meeshan ka socota waanan garab taagannahay”, ayuu yiri xildhibaan Daahir.

Xildhibaanka ayaa ku nuux nuuxsaday iney shacabka matalaan isla markaana ay codkooda geyn doonaan meel kasta oo looga baahan yahay inuu gaaro, hadday noqon lahayd warbaahinta, baarlamaanka, beesha caalamka.

Dhanka kale waxaa iyaduna hadashay xildhibaan Samiira Xasan Cabdulle , waxay tiri; ” maanta gobolka Hiiraan waxaa u bilowday bayj cusub oo aan horey looga baran, mar haddii ugaasyadii ay leeyihiin waxaan rabnaa dib u heshiisiin, umadda Soomaaliyeed way is dishay, way is dulmisay, waxbadan oo dhibaatooyin ah ayaa dhex maray, waxaa lagu gaari karaa siday Soomaali ahaan jirtay in dib u heshiisiin iyo tiiraanyo bixid loo sameeyo, waxaanan rajeynayaa in bilowgani noqdo mid umadda Soomaaliyeed ku aflaxdo, umad waxay wax ku tahay waxay wada leedahay oo ay heshiis ku tahay markay wada dhisato”.

Xildhibaanada ayaa ugu dambeyn ku baaqay in umadda Soomaaliyeed ay garab istaagaan dadka u taagan in dib u heshiisiin iyo in horumar la gaaro .

Shalay 3.04.2016 ayaa waxaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka furmay shir dib u heshiisiin ah oo ay soo qaban qaabiyeen duubabka goblka qaarkood, kaas oo ula jeedadiisa lagu sheegay dib u heshiisiin iyo aayo ka talin, iyadoo waliba magaalada Jowhar ay ka furan tahay gogoshii maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Goobjoog News