U bood dhigaalka

Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Somaliland Oo Si Kulul Uga Hadlay Dilal Ka Dhacay Magaalada Hargeysa

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somaliland ayaa si kulul uga hadlay dilal ka dhacay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi, taasi oo keentay in shacab badan ay caroodaan.

Gudoomiyaha guddiga arimaha bulshada baarlamaanka Somaliland Xasan Cawaale Caynaan ayaa sheegay in ciidamada Booliiska ay dileen Seddax qof, mid ka mid ah dadka la dilay waxa uu ahaa 11-jir, sidoo kalena Laba kale lagu dilay saldhiggii Booliiska.

Mr Caynaan ayaa sheegay in ay baarlamaanka uga hor yeeri doonaan taliyaha Booliiska Somaliland, islamarkaana wax laga weydiin doono waxyaabaha dhacaya.

“Anaga ma dooneyno in shacabkayaga la argagaxiyo, waxaan u yeeraynaa Taliyaha Booliiska, waxaana su’aalli donnaa sababta shacabka loo leynayo, waliba dhalinyarada” ayuu yiri Xildhibaan Caynaan.

Rabshado dhawaan ka dhacay magaalada Hargeysa ayaa sababay geerida wiil yar, waxaana sidoo kale dhaawac kasoo gaaray Afar Qof oo shacab ah.

Goobjoog News