U bood dhigaalka

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Somaliland oo Xukuumadda Siilaanyo Ku Eedeeyay Dhaqan Gelin La’aanta Sharciga

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan aqalka wakiilada Somaliland ayaa xukuumadda ku eedaynaya inaanay  dhaqangelin xeerarkii ay horey u meel mariyeen baarlamaanka ee sida tooska ah u taabanayay nolosha bulshada .

Xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Yuusuf oo ka mid ahaa Saddex xildhibaan oo  xukuumadda eedeynta usoo jeediyay ayaa sheegay inay  tani caqabad ku noqonayso gudashada shaqo ee golaha sharci dejinta, “Xukuumaddu ilaa Afar xeer oo golahu meelmariyay ayeyna wali dhaqan gelin  taasi waxay ceeb ku tahay shaqadii Dastuurku u igmaday golaha oo ah inay wax sharciyeeyaan” ayuu xildhibaan  Cabdiraxmaan warbaahinta u sheegay .

Xeerarkan ay xildhibaanadu ka cabanayaan  dhaqan gelin la’aantooda waxaa ka mid ah  xeerka Hilibka iyo tayeynta kawaanada. Xildhibaan  Maxamuud Axmed ayaa dhankiisa xusay inay ujeedka markii hore ay goluhu u ansixyeen ay ahayd kaalinta ay ku leeyihii nolosha dadka, “Markii  horeba haddii uusan dhaqan galeynin bulshadii maqashay in xeerkaasi golaha yaallo iyo xildhibaanadaba waxaanu sheegi lahayn inayna naawilin balse waxaanu garan la’nahay sababta wali loo hortaagan yahay ee xukuumaddu u dhayalsanayso  meel marinta xeerar uu kani ka mid yahay”.

Golaha wakiilada Somaliland ayaa muddo 11 sanno ah waxay ansixiyeen in ka badan 43 xeer, kuwaasi  oo intooda badan la dhaqan geliyay, halka ay jiraan xeerar kale oo aan wali la dhaqan gelin.

Goobjoog News