U bood dhigaalka

Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Lacag Ugu Yaboohay Soomaalida Ku Dhibban Yemen (Magacyadooda)

Sheeko:Dalka

Barnaamij lacag loogu uruurinayo walaalaha Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen ayaa haatan waxa uu ka soconayaa Idaacadda Goobjoog, iyadoo tabarucaadda ay uruurinayaan guddiga Samatabixinta iyo Badbaadinta Soomaaliyeed.

Shacabka ayaa qadka soo galaya si ay lacago ugu tabarucaan walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen.

Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya oo ka damqaday dhibaatada dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Yemen ayaa qadka soo galay, waxaana ay ku yabooheen lacag, iyaga oo kala ah:-

Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim Qooni (2-kun oo doolar)

Xildhibaan Xasan Macallin Maxamuud                    (2-Kun oo doolar)

Xildhibaan Cabdi Maxamed   Abtidoon         (2-kun oo doolar)

Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas                          (2-kun oo doolar)

Xildhibaan Qaali Axmed Diiriye                           (500 oo doolar)

Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow                    (2-kun oo doolar)

 

Barnaamijka weli waa uu socdaa, waxaana shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay u gurmadaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Waxaad lacagta lagu shubi karaa

  • Accountiga Salaama: 30581283
  • Accountiga Dahabshiil: MQD 0028404
  • Telefoonada EVC-da ah: 0617885353

Dadka dibadaha jooga waxay lacagaha si toos ah ugu soo diri karaan Gudoomiyaha gudiga Sheekh Nuur Baaruud oo laga helo: 0615303738 ama Marwo Batuulo Gabale, gudoomiye ku xigeenka gudigan oo laga helo: 0618949960

Hadii aad doonayso in aad ka qeybqaadato Barnaamijka si toos ah, soo wac taleefanada kala ah

0616564444

0615525758

0617073557

Dadka Soomaaliyeed ayaa laga doonayaa in ay u gurmadaan walaalahooda ku dhibban dalka Yemen, halkaasi oo dagaallo ay ka socdaan.

Goobjoog News