U bood dhigaalka

Xildhibaanno Ka Tirsan Federalka oo Gaaray Dhuusamreeb iyo Ujeedka Safarkooda

Sheeko:Amniga

Magaalada Dhuusamreeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa maanta gaay wafdi ay hoggaaminayaan Xidhibaan Yusuf Geelle Ugaas iyo Xildhibaan Omar Ali Abdi, waxaana siweyn loogu soo dhweeyay garoonka, iyaga iyo ciidan la socday oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka iyo waftiga  gaaray Dhuusamareeb ayaa u jeedka safarkooda lagu sheegay dardargelinta abaalka ay ciidanka dowladda iyo dadka deegaanku ay ka wadaan gobolka Galgaduud, iyaga oo ku wajahan deegamada Ceelbuur,Ceel-garas iyo  Ceel-lahelay oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Ciidamada dowladda iyo dadka deegaannada oo iskood isku abaabulay ayaa waxaa  ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan bariga gobolka Gakgaduud, kaas oo ay hoggaaminayaan saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana iyaguna u jeedkoodu yahay gaaritaanka degamada Xaradheere iyo deegaannada hoos taga.

Xildhibaannada gaaray Dhuusamareeb ayaa waxaa ay ku biirayaan xildhibaanno wasiirro  kale oo horey u gaaray gobolka, kuwaas oo Galmudug iyo deegaannada ku matala, waxaana gobolka ku sugnaa wasiir ku-xigeenka warfaafinta federalka  Cabdiraxmaan Alcadaala iyo xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye.

May be an image of 7 people, people standing, military uniform and outdoors

May be an image of 7 people, people standing, military uniform and outdoorsMay be an image of 4 people, people standing, military uniform and outdoorsMay be an image of 6 people, people standing, military uniform and outdoorsMay be an image of 4 people, people standing, military uniform and outdoorsGoobjoog News