U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo Looga digay Inuu Qabto Wax Shaqo ah oo Ku Saabsan Baarlamaanka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug oo la hadlay saxaafadda ayaa uga digay guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug inuu qabto wax shaqo ah maadaama uu mooshin ka yaallo, iyagoo dhanka kale si cad uga soo hor jeestay Taarigo cusub oo laga hirgelinayo deeganada Galmudug.

Xildhibaannadan oo kulan kuyeeshay magaalada Cadado maanta ayaa sheegay ineysan wasaraadda Gaadiidka maamulkaasi sharci u heysan mashruucan oo ay ku sheegeen in la doonayo in lagu qaato lacago sharci darro ah oo la ogeyn halka la marinayo dhaqaalaha la qabanayo ee shacabka laga uruurinayo.

Sidoo kale, waxay xildhibannadan ugu baaqeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Cabdi inuusan wax shaqo ah qaban, maadaama uu horyaallo Baarlmaanka maamulkaasi mooshin ka dhan ah oo la sugayo in laga doodo.

Xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed oo kulanka ka dib la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in guddoomiyuhu aanuu wax shaqo ah qaban karin, maadaama uu mooshin ka yaallo, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa;

“Guddoomiyenimadii iyadoo mooshin ka yaallo oo baarlamaanka 34 xildhibaan mooshin ka keentay doonaya inuu shaqadiisii sii wado iyadoo mooshin ka yaallo shaqada uu qabanayaa sax maahin, taargo sharci darro ah oo Galmudug laga bixinayo ayuu message ku soo diray Taarkada hala qaato, inuu wax qabtaba looguma talogalin oo isaga waxaa ka yaallo mooshin 24 bishii hore ayaa mooshin laga keenay, markaa maadaama uu mooshin ka yaallay inuu shaqeeyaana uu sharcigu diidaayo; illeen waxa lagu dhaqmaayo waa xeer hoosaadka iyo dastuurka”.

24 bishii lasoo dhaafay ee October ayaa xildhibaanno 34 xubnood ah ay mooshin xilka lagaga xayuubinayo ka gudbiyeen guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, iyadoo xubnahani ay ku eedeeyeen guddoomiyaha inuu sharciga iyo xeer-hoosaadkii baarlamaanka uu ku tuntay.

Goobjoog News