U bood dhigaalka

Xildhibaanno Ka Tirsan Jubbaland Oo Xalinaya Muran Siyaasadeedka Ka Jira Gedo

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Jubbaland ayaa degmada Garbahaarey ee xarunta gobalka Gedo, waxay u tageen inay xalliyaan khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira maamulka gobalkaasi iyo midkii hore ee xilka laga qaaday.

Cabdi Yarow Xuseen oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland oo iminka ku sugan degmada Garbahaarey ayaa u sheegay Goobjoog News in shacabka ku dhaqan Gobolka Gedo ay si buuxda u taageereen Maamulada Cusub ee Jubbaland ay u magacawday Gobolka Gedo iyo kan degmada Garbahaarey, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay taageerada ay u hayaan Bulshada ku dhaqan Garbahaarey.

Xildhibaan Cabdi Yarow ayaa hoosta ka xariiqay in aan weli wax xal ah laga gaarin wadahadalkii maamulka Jubbaland iyo Odoyaasha dhaqanka ay la lahaayeen Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil iyo Gudoomiyahii hore ee Garbahaarey Iimaan Cadow Kaarshe, taas oo uu ku micneeyay in Labadooda ay yihiin Shaqsiyaad aanan ku qanacsaneen isbedelka maamulka Jubbalanad uu sameeyay.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa carabka ku adkeeyey in markan wax wada xaajood aanan lala geli doonin Kaliil iyo Iimaan dadkuna ay isku raaceen Maamulka Cusub inuu shaqooyinkiisa uu qabsado, iyadoo mar welibana loo hogaansamayo nidaamka Maamulka ee Jubbaland, kan AMISOM iyo Salaadiinta Gobolka.

Weli wax xal ah lagama gaarin khilaafka dhanka maamulka ah ee kajira gobalka Gedo, iyadoo mas’uuliyiintii xilka laga qaaday ay weli ku adkeysanayaan inay xilalkaasi weli hayaan.

Goobjoog News