U bood dhigaalka

Xildhibaanno Katirsan Hirshabelle Oo Weerar Gaadmo Ah Lagu Dilay

Sheeko:Amniga

Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa waxay jidka u galeen gaadiid ay la socdeen xildhibaanno ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Xildhibaannada ayaa marayey markii la weeraray inta u dhaxeysa Qalimow iyo Balcad, inta la xaqiijiyey weerarkaas waxaa ku dhintay 2 Xildhibaan iyo 6 Askari.

Wadada u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro gaadmo ah oo Al-shabaab ay ku qaadaan mas’uuliyiinta Hirshabelle iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Goobjoog News