U bood dhigaalka

Xildhibaanno Ku Baaqay In La Joojiyo Dagaal Beeleed Ka Dhacay Galgaduud

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay beello dhawaan ku dagaallamay deegaanno ka mid ah Galgaduud in ay nabadda qaataan.

Mudanayaashaan ayaa si wadajir ah u sheegay inay ka xunyihiin in hadda dagaallo sokeeye ay ka dhacaan deegaano ka mid ah Galmudug, shacabkana looga baahan yahay inay u istaagaan nabadda iyo kala dambeynta.

Xildhibaanada kulanka isugu yimid, islamarkaana dirayey baaqa nabadeed ayaa kala ah:-

  • Xidlhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud
  • Xildhibaan C/laahi Jaamac xuseen
  • Xildhibaan C/qaadir Cali Cumar
  • Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin
  • Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas
  • Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame
  • Xildhibaan Jawaahir Axmed Cilmi

“Waxaan u taagannahay sidii loo joojin lahaa dhibaatada jirta, dadka deggan gobalada dhexe iyaguna waxaan ka codsaneynaa inay garab nagu siiyaan sidii colaadaasi lagu damin lahaa, waxaan sidoo kale ka codsaneynaa dadka dagaalka wada iyo kuwa hurinaya in dagaalkaasi joojiyaan” sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud.

Guud ahaan xildhibaanadaan ayaa qaba in colaad aysan faa’ido lahayn, cid walba oo ku sugan deegaanada Galmudug waxay sheegeen inay waajib ku tahay xalinta beelaha ku dagaallamay gobaladaasi.

Goobjoog News