U bood dhigaalka

Xildhibaanno Sheegay In Seddax Degmo Oo Ka Tirsan Bakool Aanay Ka Mid Ahayn Koonfur Galbeed

Sheeko:Baarlamaanka

Degmada Ceel-barde ee gobalka Bakool, waxaa maalmihii dambe ka soconayay shirar isugu jiray kuwo siyaasadeed iyo wadatashiyo oo u dhaxeeyay xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya, maamullada deegaanada Ceelbarde, Yeed iyo Caato oo xiga dhanka xuduuda Itoobiya iyo sidoo kale bulshada deegaanadaasi ku dhaqan.

Kulamadaan waxaa goobjoog ahaa waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka ee deegaanadaasi, waxaana xoogga lagu saaray ka hadalka saamiga awood qeybsiga xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Odayaasha dhaqanka deegaanadaan qaadaceen.

Degmada Ceelbarde oo maalmahaan dambe aad looga dareemayay mashquulka badan ee shirarka ayaa waxaa ku sugnaa in ka badan 5 xildhibaan, waxaana gaba gabadii kulankaasi lagu soo bandhigay dhowr qodob.

Xildhibaan Axmed Aabi ayaa saxaafadda u akhriyay qodobada la’isku raacay, isaga oo sheegay in la’isku af gartay in dadka ku dhaqan Ceelbarde, Yeed iyo Caato aysan kasii mid ahaan maamulka Koonfur Galbeed.

“Waxay go’aansadeen in marnaba ha dhawaato ama ha dheeraato aanay ka mid noqon maamulka Koonfur Galbeed ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhaba, waxaana nalooga fadhiyaa shaqooyin aad u badan” ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhibaan Xuseen Cabdi Xalane oo mar soo noqday wasiirka Maaliyadda xukuumadii Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa sheegay in dadka deegaanka aayahooda ay ka tashanayaan.

“Waxaan rabnaa in la fahmo inaan ahayn dad qabiil raadinaya, aan nahay Soomaali xaq wax ku qeybsata, midda kale annagu ma diidin Koonfur Galbeed inaan ka mid noqonno, hadii deegaan lagu saleynayo, iyagaa diiday in ay timaado sidii wax lagu wada yeelan lahaa” ayuu yiri Xalane.

Xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Xuseen oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya uu ugu baaqayo in si cadaalad ah ugu qeybiso dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada Koonfur Galbeed, xildhibaanada maamulkaasi oo lagu muran sanyahay.

“Dowladda Federaalka oo aan ka midka nahay waxaan ugu baaqeynaa in degmooyinkaan ay helaan xuquuqda ay leeyihiin, anaga deegaan baan ka hadleynaa, qabiil kama hadleyno, qabiil hadaan ka hadalno waa midka aan hadda ka cabaneyno, 45 oday inta la xareeyo lana yiraahdo iyagaa wax soo xulaya taa wax soconaya ma ahan” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiwahaab.

Muran xoogan ayaa xilligaan ka taagan qaabka loo soo xulayo xildhibaanada baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed, xilli soo xulista xildhibaanada ay haatan meel gabagabo ah marayso.

Goobjoog News