U bood dhigaalka

Xildhibaanno Shir Jaraa’id ku Qabtay Nairobi oo soo Saaray Qodobbo Muhiim ah oo ay Kaga hadleen Xaaladda Dalka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno gaaraya illaa 30 xubnood  oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo shirar gooni gooni ah ku yeeshay magaalada Nairobi ayaa soo saaray maalintii shalay war saxaafadeed ay uga hadleen xaaladda dalka iyagoo dowladda Federaalka ugu baaqay iney doorashada baarlamaanka aaney ka dib dhicin 20 Agosto.

Xildhibaanadu waxay iska wareysteen xaaladda guud ee siyaasadda, Amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee dalku ku sugan yahay, waxayna soo saareen qodobbo ay ka mid yihiin:-

-Waxaan ugu baaqaynaa Xukuumadda Federaalka, shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka, inay gurmad degdeg ah u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu wax yeeleeyeen Bogaadina ay u soo jeediyeen ciidamada Puntland iyo Galmudug sida geesinimada iyo adkeysiga leh oo ay uga hortageen is fidinta argagixisada, wakhti gaabanna ay u soo afjareen.

-Waxaan xukuumadda ugu baaqeynaa in Puntland iyo cidii kale ee wax tirsaneysa la dhageysto, lana qanciyo.

-Waxaan ugu baaqeynaa xukuumadda iyo xafiiska madaxweynaha iney faraha kala baxaan kana feejignaadaan iska horkeenidda gurrucan ee dhaqanka duubabka iyo shacabka reer Hiiraan lagu hayo.

-Waxaan hambalyo iyo bogaadin u direynaa ciidamada dowladda Jabuuti ee hiil-walaal oo si wax ku ool ah u garab istaagay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka reer Hiiraan, isla markaana waxaan ka codsaneynaa madaxda ciidanka dowladda Jabuuti in aan loo adeegsan wax keeni kara iska hor imaadka shacabka reer Hiiraan iyo ciidamada hiil walaal.

-Waxaan ka digaynaa siyaasadda “daahi oo daali” oo laga leeyahay in lagu fushado dano gaar ah, Waxaan xukuumadda Soomaalia looga fadhiyaa, in iyadoo tix-gelinaysa Qaraarkii Barlamaanka, ay soo gudbiyaan go’aan wadar oggol ah, oo lagu soo doorto Barlamaanka 10aad, Waxaan Beesha Caalamka ee danaysa arrimaha Soomaaliya ugu baaqaynaa in ay la yimaadaan cadaadis siyaasadeed oo baajiya in Soomaaliya gasho jaahwareer siyaasadeed, iyagoo ku baaqay inaan doorashada baarlamaanka xilligeedii 20 Agosto aan dib looga dhicin.

-Waxay ka hadleen maqaamka Muqdisho ;  Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maqaamka Caasimada Soomaaliya ay noqonayso ka soo saari doona sharci, Waxaan bogaadinaynaa, ammaanna u soo jeedinaynaa shirkii lagu qabtay Xayaat Hotel ee magaalada Muqdisho ee lagu diiday sheegashada Caasimadda in ay qolo gaar ah leedahay, Waxaan uga digaynaa shaqsiyaadka damacsan in ay marin-habaabiyaan qaabka loo marayo qeexida maqaamka caasimada dalka, in aysan shacabka degan Benaadir ay marin habaabiyaan.

-Waxaa la filayaa in kalfadhiga 8aad Xubnaha Barlamaanka Federaalka lagu gorfeyn doono go’aamo badan oo masiiri ah.  Sidaa darteed, waxaa dhammaan xildhibaannada Baarlmaanka loogu baaqayaa in si mug xoog leh looga soo qayb galo kalfadhigan 8-aad.