U bood dhigaalka

Xildhibaanno Xalay Lagu Doortey Magaalada Baydhabo

Sheeko:Dalka

Doorasho habeenkii xalay ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa lagu doortey Labo mudane oo kamid noqonaya aqalka hoose ee baarlamaanka dalka.

Doorashadan ayaa billaabatey abaare 8-dii fiidnimo ee xalay, waxaana Labada Kursi ku kala tartamayey haween iyo Rag.

Kursiga Koowaad waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ahaa Maxamuud Maxamed Boonow oo helay 30 cod, iyo C/qaadir Maxamed Cali oo isna helay 21 cod.

Kursiga Labaad waxaa ku tartamayey Saddex haween oo kala ah Mako Maxamuud Maxamed oo heshay 14 cod, Xamdi Hilowle ayaa heshay 4 cod, halka Sareedo Maxamed Cabdalla oo guuleysatay ay heshay 32 cod.

Xildhibaannadan aqalka hoose ee xalay lagu doortey magaalada Baydhabo ayaa wadarta guud ee xildhibaannada laga doonayo Koonfur Galbeed ka dhigaya 61, waxaana u harsan oo kaliya 8 mudane.

Goobjoog News