U bood dhigaalka

Xildhibaano Fasiraado Kala Duwan Ka Bixiyey Kulankii Maanta ee Baarlamaanka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

xildhibaan cabdi barreMarkii uu soo dhamaaday kulankii baarlamaanka ee maanta qabsoomey ayaa waxaa noo suurogashay in aan waraysano xildhibaano ka mid ah kuwii ka qeybgalay shirka, kuwaasi oo ku kala aragti duwan arrinka mooshinka.

Xildhibaan Cabdi Barre oo ka mid ah xildhibaanada mooshinka kasoo horjeeda ayaa Goobjoog u sheegey in uusan jirin wax mooshin ah oo la qeybiyey, wuxuuna tilmaamay in qeybinta mooshinka uu kaliya ansax noqonayo marka la daaboco magacyada xildhibaanada saxiixay mooshinka, inta ka horeysana aysan jirin wax mooshin ah oo la qeybiyey sharci ahaan.

Wuxuu xildhibaankani sheegey in wali ay ku taaganyihiin go’aankoodii ahaa in mooshinka uu yahay mid sharci daro ah, arrinkaasina ay ka hadli doonaan marka la qeybiyo magacyada mooshinka saxiixay oo uu isagu qabo in ay aad oga yaryihiin tirada saxaafadda laga sheegey.

Wuxuu Cabdi Barre sheegey in ay jiraan waraaqo ay qeybsadeen xildhibaanada mooshinka taageersan, iyaguna aysan jirin midkood oo soo qaatay mooshinka.

Dhanka kale waxaan la hadalnay Xildhibaan Cabdinaasir Gaarane, wuxuuna noo sheegey in mooshinka horey loo qeybiyey, taasina uu cadeeyey guddoomiyaha baarlamaanka sida uu qabo Cabdinaasir Gaarane.

“Qoraalkii maalin dhaweyd ee guddoomiyaha baarlamaanka qodobka koowaad dhamaadkiisa waxa uu ku sheegey in mooshinka la qeybiyey, maantana markii la weeydiiyey mooshinka wuxuu yiri qofkii heystana waa heystaa, kii kalana xogheynta haka doonto, taasi oo micnaheedu yahay in mooshinka horey loo qeybiyey” ayuu yiri xildhibaanka.

Si kastaba waxaa maanta ajandaha fadhiga baarlamaanka ku qornaa in la guda galayo mooshinka, wuxuuna guddoomiyaha baarlamaanka sheegey in uu Ra’isulwasaaraha ku wargaliyey in uu baarlamaanka mooshin ka yaala, islamarkaasina uu hor imanayo xildhibaanada.

Sidaasi oo ay tahay xildhibaanada fasiraado kala duwan ayay wali ka qabaan waxa dhacaya.

Dhageyso

Goobjoog News