U bood dhigaalka

Xildhibaano Federaalka ah oo Meesha Ka Saaray Wada Hadalka Xukuumadda iyo Baarlamaanka uu Jawaari Ku Taliyay

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Mustaf Mukhtaar iyo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa shir jaraa’id ay ku qabteen Muqdishu ku sheegay in Shacabka iyo beesha caalamka ka saarayaan walwal labaad oo soo kordhay sida ay sheegeen.

Xildhibaan Mustaf Mukhtar oo ugu horeyn hadlay ayaa sheegay in iyagoo 126 Xildhibaan ah ay kasoo horjeesteen Mooshinka ka dhanka Madaxweynaha ay u gudbiyeen Gudoonka laga sugayey guddoonka ay soo cadeeyaan in Mooshinka uu jiro iyo in kale balse taa baladkeeda uu soo saaray dhowr warqad oo dadka Walwal ku abuuray.

Xildhibaanka ayaa intaa ku daray in Baarlamaanka arintiisa aanu ka galin xeer Jabab balse lagu dhameeyo dastuur isagoo meesha laga saaray in uu khilaaf ka dhaxeeyo Xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa dhankeeda sheegtay in Baarlamaanka aanu Eed u qabin xukuumadda, iyadoo intaa ku dartay in xitaa arinta Madaxweynaha laga sheegayo ay sharci darro tahay.

Khadiijo waxaa carabka ku adkeysay in aanu wada hadal dhex mari Karin Baarlamaanka iyo Xukuumadda oo aanay khilaaf jirin iyadoo ku talisay in Miirka uu soo noqdo.