U bood dhigaalka

Xildhibaano iyo wax garad ka soo hor jeestay maamulka saddexda gobol

Sheeko:War

Kulan ay isugu yimaadeen xildhibaano iyo odayaal dhaqameed oo Muqdisho ka dhacay maanta ayaa diirada lagu saarayay sida madaxda sare ee dalka u wajaheen maamul u samaynta gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha hoose.

Xildhibaanadan iyo wax garadkan ka qeyb galay kulankan ayaa ka soo hor jeestay guddiga farsamo ee ka koobnaa 18-ka qof , kaasoo uu magacaabay Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

Waxa ay ku eedeeyeen madaxda sare ee dalka in ay baal mareen shuruucda dalka u taallay, dastuurka iyo sharciga maamul u sameynta gobollada dalka. waxa ayna sheegeen in ay ka soo hor jeesteen.

Barnaamijka “Golaha Shacabka” ee ka baxa Goobjoog FM ayaa waxaa diiradda lagu saaray hadaladii ay kulankaas ka jeediyeen Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac Xuseen iyo Xildhibaan Cumar Maxamuud Maxamed Finish.