U bood dhigaalka

Xildhibaano ka digay dhibaatooyin ka dhaca Magaalada Baydhaba (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta magaalada Muqdisho saxaafadda kula hadlay ayaa ka digay in dhibaatooyin ay ka dhacaan magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay.

Xildhibaanadaan oo garaya Shan xubnood, waxaa ka mid ah Aadan Madoobe, Maxamed Mursal, iyo xildhibaan Afaraale, waxaana ay sheegeen in hadda ay ka baqanayaan dhibaatooyin ka dhaca Baydhaba.

Baydhaba ayeey sheegeen in maamul uu ka dhisnaa hadana halkaasi lagu dhisaayo maamul ay wado dowladda Federaalka waa sida ay hadalka u dhigeen, iyaga oo tilmaamay in meesha laga saaray rabitaanka shacabka halkaasi ku dhaqan.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay ka codsadeyn in ay deg deg ku kala cadeyso waxa ay ka damacsan tahay shirarkaan socda iyo wixii lagu qancin lahaa siyaasiinta kasoo horjeeda maamulka sedaxda gobal ee la dhisaayo.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News