U bood dhigaalka

Xildhibaano ka tirsan Kenya oo lagu eedeeyay colaada degmada Wajeer

Sheeko:Dalka

Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka degmada Wajeer ee Waqooyi bari Kenya ayaa sheegay in xildhibaano ka tirsan Barlamaanka dalka Kenya ay ka qeyb qaataan dagaal beeleedyo ku soo noq-noqday duleedka degmadaasi.

Nabadoon Cumar Khaliif ayaa sheegay in dagaaladan saamayn uu ku yeeshay dadka ku nool degmada Wajeer.

Waxa uu tilmaamay nabadoonkan in mar kasta oo heshiis laga gaaro dagaaladan  hurintiisa ay ka qayb qaataan xildhibaanadaasi.

Dagaalada ka dhacay gudaha Wajeer ayaa soo noq-noqdy todobaadyadii u dambeeyay, waxaana la sheegayaa in ay salka ku hayaan arimo siyaasadeed oo u badan hanaanka lagu qeybsado kuraasta dowladda ee gobolka.