U bood dhigaalka

Xildhibaano Ku Dhaawac-may Qarax Ka Dhacay Jowhar

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa  sheegaya in goordhaw uu magaalada ka dhacay qarax xoogan.

Qaraxa oo ka dhacay agagaarka maqaay lagu magacaabo Baar Kulmis ayaa waxaa dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Waxaa inta la xaqiijiyay qaraxa ku geeriyooday Nabadoon lagu magacaabo Nabadoon Hooseey, halka qaraxa ay ku dhaawacmeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dowlad gobaleedka Hirshabeelle.

Xildhibaanada dhaawacmay ayaa kala ah Xildhibaan Maxamed Cumar Gaabow iyo Xildhibaan Yuusuf Cabduqadir Karaani oo labada ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka dowlad gobaleedka Hirshabeelle.

Qaraxa ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay taliye ku-xigeenka ciidamada daraawiishta Hirshabeelle oo lagu magacaabo Jeeylaani Faroole iyo Askari ka tirsan ciidamada daraawiishta.

Laba bil ka hor ayey aheyd markii sidaan oo kale xildhibaano ka tirsan baarlamaanka hirshabeelle ay ku dhaawacmeen qarax lala eegtay goob ay ku sugnaayeen.

Goobjoog News