U bood dhigaalka

Xildhibaano Ku Dhawaaqay Kudlad Loogu Magac Daray Bad Baado Qaran

Sheeko:Amniga

Xildhibaano ka tirsan Labada gole ee Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday , ayaa kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku dhawaaqeen Kudlada ay ugu magac dareen Badbaadinta Qaran iyagoo Sheegay in dalku Badbaado Qaran u baahanyahay.

Mudanayaasha waqtigooda dhacay oo tira ahaan gaaraya illa iyo 95 xildhibaan, ayaa sheegay in ay kadib gorfeyn dheer oo xaaladda dalka ah kadib ay u soo baxday in ay badbaadiyaan dalka.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ku hadlay afka Kudladda ayaa sheegay in ay sameeysteen xubna 11 xildhibaan ah oo kudladda hogaamiya.

“Waxaan dooranay oo kudladdu iska dhexdooratay xubna guddiya oo 11 xubnood ah” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

“Sidoo kale waxaan cadeyneyna in Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo waqtigiisi dhamaaday uuna ku ekaa 7 February , sidoo kale waxaan halkaan ka cadeeyneyna wax mudda kordhin la yiraahdo oo loo sameeyn karo madaxweeynaha in aysan jirin”

“Sidoo kale waxaan cadeyneyna xukuumadda in ay tahay xukuumad xil gaarsiin ah sida ku qoran qodobka 103 aad ee Dastuurka Federaalka ah Soomaaliya , shaqada ay qabaneyso ay tahay shaqooyinka caadiga ah ee wax qaraaraad ah oo siyaasadeed oo masiirka dalka iyo dadka khuseeya aysan xaq u laheeyn ”

Mahad ayaa sidoo kale sheegay in Shalay ciidamo ka tirsan taliska NISA ay gudaha u soo galeen xarunta golaha shacabka, waxa uuna sheegay haddii aan laga waan toobin ficiladaas ay xildhibaanadu is difaaci doonaan.

“Waxaan ugu baaqeeyna gudoonka golaha shacabka una cadeeyneynaa inaan aqbaleeynin in gudaha lala soo galo ciidamo aan aheeyn kuwa rasmiga ah ee Booliiska ee BFama golaha shacabka uu leeyahay, haddii arintaasu soo laabatana runtii waxaan cadeeyneyna iney baarlamaanka naftoodu halis ku jirto , laguna qasbnaan doono qof kasta oo mudanayaasha baarlamaanka ka mid ah in uu difaacu nafsi galo”.

Sikastaba kudladda ay ku dhawaaqeen xildhibaaadan ayaa imaaneysa iyadoo ay xaaladda siyaasadeed ee dalka sii cakir meeyso.