U bood dhigaalka

Xildhibaano kulan ku yeeshay Muqdisho oo fariin u diray Nicholas Kay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xildhibaano ka tisran Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa kulankooda ka dib waxa ay fariin u direen ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya.

Xildhibaanadaan oo tiro ahaan gaarayay 10 mudane, ayaa u sheegay Nicholas Kay in uu faraha kala baxo arrimaha siyaasadda Soomaaliya waa sida ay hadalka u dhigeen.

Waxay sheegeen mudanayaashaan in Mr Kay uusan soo dhex gali karin siyaasadda gudaha Soomaaliya, xitaa hadii uu awood u leeyahay ay aad uga xumaadeen gaf ay tilmaameen in Baarlamaanka kula dhaqaaqeen.

Kulanka ka dib war-saxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in hadalkii dhawaan uu soo saaray Kay uu ka baxsan yahay Xuriyadda dalka iyo Dastuurka KMG ah.

Si hoose ayeey sheegeen inuu u galay howlaha horyaala baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan shaqooyinka iyo shuruucda.

Hiigsiga 2016-ka ayeey sheegeen in lagu gaari karo kaliya markii ay jirto kalsooni iyo wada shaqeyn buuxda oo u dhaxeysa hay’adaha dowladiga ah iyo Madaxda Qaranka.

Halkaan hoose ka dhageyso War-saxaafadeedka iyo xildhibaanada qaar oo arintaan ka hadlaaya.

Goobjoog News