U bood dhigaalka

Xildhibaano laalay Mooshinka laga keenay Cabdiwali, kuna baaqay in xukuumadda aan isbaaro loo dhigan

Sheeko:Dalka

Shir Jaraa’id ay qabteen xildhibaano taageersan Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali ayaa sharci darro ku tilmaamay Mooshin ka dhan ah Ra’isul Wasaare Cabdiwali oo la sheegay in galabta loo gacan galiyay gudoonka Baarlamaanka.

Xildhibaan Cabdi Bare Yusuf Jibril oo ka hor hadlay sida uu sheegay 60 Xildhibaan ayaa sheegay inay u istaageen badbaadinta sharciga iyo Constitution ka, Xildhibaanka ayaa intaa ku daray inay ka hor tagayaan cida dastuurka ku waddo bur burinta iyo in ay u caqlinayaan wixii wado qaldan ku socda.

Xildhibaankan ayaa meesha ka saaray in mooshin la gudbiyay ama laga qabtay Xildhibaanada taageersan Madaxweynaha, isagoo intaa raaciyay in warqadda loo dhiibay xogheynta oo aan loo dhiibin gudoonka Baarlamaanka.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq a Afaraale, Xildhibaankan oo isna ka tisran xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinka la sheegay in laga geeyay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku celiyay in warqadan aanay sharciga soo marin, waxaa uu ku tilaamay arin carqalad ah oo rabo in lagu marin habaabiyo hiigsiga 2016-ka, isagoo arinka Mooshin ku tilmaamay nasiib daro, xildhibaana da kale ee Mooshinka taageersan ayuu kula taliyay in ay u soo laabtaan waajibaadka ay umadda ka sugeysay, waxaa uu hadalkiisa kusoo afjaray in Xukuumada aan isbaaro loo dhigan.