U bood dhigaalka

Xildhibaano Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay abaabulka Mooshinka Ra’iisul wasaaraha

Sheeko:Dalka

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa fariin u diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taa oo ku saabsan in uu joojiyo abaabul ay sheegeen inuu madaxweynaha, kaa oo ku aadan mooshin ka dhan ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Xildhibaanadaan oo tiradooda ay ka badan tahay 100 mudane kana soo horjeeda Mooshinka ay xildhibaano kale ka keeneen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa ka hadlay arimo badan oo  ku aadan mooshinkaan iyo halka uu salka ku haayo.

Waxa ay sheegeen mudanayaashaan in Mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaaraha aanu ahayn mid xildhibaanada ka yimid, balse uu yahay mid laga soo abaabulay Madaxtooyada Soomaaliya, waa sida ku xusan War-saxaafadeed ay soo saareen.

Xildhibaanadaan ayaa uga digay Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya, in aanu mudanayaasha Baarlamaanku horkeenin mooshinkaan ka dhanka ah Ra’iisul wasaaraha, iyaga oo tilmaamay in Musuqmaasuq iyo laaluush uu hareeyay mooshinkaan, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka ay Xildhibaanadaan soo saareen.

Fariin 001

page two fariin 001

Goobjoog News