U bood dhigaalka

Xildhibaano sheegay in aysan ka war hayn shirka beri ka furmaya Kismaayo

Sheeko:Dalka

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdihso ayaa sheegay in shir loogu gogol xaarayo dib u heshiisiinta beelaha dega Jubbooyinka iyo Gedo uu 20-ka bishan ka furmi doono magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan ayaa xusay in iyaga iyo dowladda Federaalka Soomaaliya aysan waxba kala socon shirka lagu wado in uu beri ka furmo magaalada Kismaayo.

Waxa ay tilmaameen in iyaga iyo hogaamiye kooxeed hore Kornel Barre Aadan Shire (Hiiraale) aysan wax war ah kala socon shirka beri ka furmaya Kismaayo.

Dhanka kale Guddiga ku howlan qaban qaabinta iyo qabsoomida shirka lagu ballansanyahay in uu ka furmo magaalada Kismaayo ayaa sheegay in marnaba dib u dhac ku imaan xilkii loogu tala galay qabsoomida shirkaasi.

Guddiga ayaa tilmaamay in beri uu furmayo wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta beelaa dega Jubbooyinka iyo xilli maanta uu dib ugu laabtay Kismaayo hogaamiyaha maamulka KMG Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).