U bood dhigaalka

Xildhibaano Siyaabo Kale Duwan Uga Hadlay Codeynta Maanta (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Xildhibaan Maxamed Geedi Iidle (Xeroow)
Xildhibaan Maxamed Geedi Iidle (Xeroow)

Mudanayaasha baarlamaanka ee ku kala aragti duwan mooshinka codka kalsoonida loogu qaadayo Ra’isulwasaare Cabdiwali ayaa siyaabo kale duwan uga hadlay mooshinka iyo codeynta maanta.

Qaar ka mid mudanayaasha saxiixey mooshinka ayaa sheegey in ay rajo badan ka qabaan in codka uu u dhici doono sida ay iyaga rabaan, islamarkaasina ay guushu iyagu raaci doonto.

Xildhibaan Maxamed Geedi Iidle (Xeroow) oo hadlay ayaa sheegey in iyagu ay ku taaganyihiin danta dalka, islamarkaasina xukuumadda Ra’isulwasaare Cabdiwali ay ku guul dareysatay in ay wax ka qabato arrimihii loo igmaday.

“Dalka is qabqabsi intan ka badan kuma sii jiri karo, mana ahan in madaxweynaha jecelyihiin ama Ra’isulwasaare necebyihiin, ujeedka waa in uu dalka horey u socdo” ayuu yiri xildhibaano Xeroow.

Dhinaca kale xildhibaan Fadhaye oo kasoo horjeeda mooshinka ayaa sheegey in madaxweynaha uu isaga laftiisa uu qirey waxqabadka xukuumadda, hadane uusan fahmi karin sababta codka kalsoonida loogu qaadayo xukuumadda.

‘Waxa la falkinayo, waxaan u arkaa baroorta orgiga ka weyn” ayuu yiri xildhibaan Fadhaye oo isagu aaminsan in wax qabad xumo aanan lagu heysanin Ra’isulwasaaraha.

Dhageyso

Goobjoog News