U bood dhigaalka

Xildhibaano Soo Dhaweeyey Go’aankii Laga Gaaray Mooshinka

Sheeko:Dalka

???????????????????????????????Xildhibaanadii mooshinka keeney ayaa soo dhaweeyey go’aankii iyo xalkii laga gaaray arrinka mooshinka, waxayna amaaneen xildhibaanadii kasoo horjeedey mooshinka oo iyagu ku qancay in si buuq la’aan ah mooshinka lagu guda galo.

Xildhibaan Xayir Maareeye oo u hadlay xildhibaanadi ayaa sheegey in maanta uu baaqday kulankii baarlamaanka, balse uu qabsoomayo maalinta talaadada ee soo socota, wuxuuna intaasi ku daray in ay soo dhaweeynayaan isfahamkii la gaarey. Wuxuu sheegey in xildhibaanadii kasoo hoirjeedey mooshinka loo caqli celiyey, islamarkaasina uu isaga ku faraxsanyahay in degenaanti iyo nidaamkii uu kusoo laabanayo baarlamaanka.

Sidoo kale xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Aadan Shaacir ayaa sheegey in aysan jirin cid guuleysatay iyo cid laga guuleystey, wuxuuna waxa dhacaya ku tilmaamay sidii garoon ciyaaro oo kale.

Hadalkani xildhibaanada ayaa yimid kadib markii la’isku waafaqay in loo fariisto mooshinka ka dhanka ah Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.

Dhageyso

Goobjoog News