U bood dhigaalka

Xildhibaano soo jeediyay in la hakiyo mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare Cabdiweli (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Illaa 85 xildhibaan oo xalay kulan la yeeshey guddoonka baarlamaanka ayaa sheegey in guddoomiyaha Baarlamaanka ay kala hadleen sidii aanan loo jabin lahayn sharciga dalka, lana joojiyo wax ay ku tilmaameen “Qaran Dumis”

Xildhibaanada oo saxaafadda kula hadlay banaanka markii ay kasoo baxeen kulankii Villa Hargeysa ayaa waxa ay sheegeen in iyaga aysan la safneyn cidna, balse ay la safanyihiin dastuurka iyo sharciga, isaga ay difaacayaan.

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf oo u hadlay xildhibaanada ayaa sheegeen in ay u taaganyihiin sidii ay u difaaci lahaayeen qodobka boqolaad ee dastuurka kaasi oo ka hadlaya awoodaha Ra’isulwasaaraha, sida magacaabista wasiiradda, xil ka qaadistooda, isku shaandheynta iyo waliba fulinta.

Qodobkani waa kii uu ka dhashay murankii dhexmaray madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isulwasaare Cabdiwali kadib markii Cabdiwali uu isku shaandheyn ku sameeyey golaha wasiirada, go’aankaasi oo uu madaxweynaha diidey.

Mid ka mid ah xildhibaanada ayaa yiri “Ma ahan wax aan aqbali karno in hal qof oo xilkiisii laga badalay dalka dhan loo burburiyo”.

Waxa xildhibaanada sidoo kale su’aalo ka keeneen sharcinimada mooshinka laga geeyey Ra’isulwasaaraha, iyagoo yiri “Mooshinka waxaa ka horeeya in xukuumadda lala xisaabtamo, iyaduna fursad loo siiyo in ay ka jawaabto waxyaabaha lagu eedeeynayo, kadib haddii lagu qanci waayo markaasi mooshinka laga keeni karo”.

Xildhibaan Bishaar oo ka mid ahaa xildhibaanadii hadlay ayaa sheegey in uu isagu ogyahay in tirada la sheegey in xidlhibaanada ay gudbiyeen mooshinka aysan ahayn inta la sheegey iin ahayd 140 “104 xildhibaan oo kaliya ayaa mooshinka saxiixdey, 36 kalana dalka ayay ka maqanyihiin oo waa loo saxiixay” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaanada waxa ay sheegeen in guddoomiyaha baarlamaanka uu ku qanciyey , kana codsaday in guddoonka baarlamaanka waqti la siiyo si xal loogu raadiyo khilaaafka.

Waxa ay xildhibaanada gaashaanka u daruureen in ay jiraan wax laaluush ah ama lacag ah oo ay xildhibaaanada qaateen, iyagoo intaasi ku daray in iyaga sharcigii ay u dhaarteen in ay daacad u noqdaan, iyagoo madaxda dalka ka codsaday in aanan dalka dhibaato la galinin.

Halkaan hoose ka dhageyso Shirka jaraa’id ee ay qabteen xildhibaanadaan.

Goobjoog News