U bood dhigaalka

Xildhildhibaan Cabdalle Boos oo Sheegey in Laamaha Amniga Si Xun Ula Dhaqmeen

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdalle Boos oo ka mid ahaa xildhibaano ciidamada dowladda ku weerareen magaalada Muqdisho, midkoodna dhintey, isagana dhaawacmay ayaa sheegey in laamaha amniga ay si xun ola dhaqmeen.

Isaga oo hadal ka jeediyey baarlamaanka shalay arbacadii ayuu xildhibaan Cabdalla Boos sheegey in askartii xildhibaanada difaacdey wali ay xirxiranyihiin, islamarkaasina waardiyihii gaarka ahaa ee xildhibaankii dhintey Yuusuf Dirir isaga oo dhaawac ah isbitaalka lagala soo baxay, haddana uu ku xiranyahay xarunta CIA-da.

“Xitaa ma jirto illaa maanta cid naga raaligalisey wixii nagu dhacay” ayuu yiri xildhibaanka.

Goobjoog News