U bood dhigaalka

Xilidhibaan Afgooye Oo Madaxweyne Lafta Gareen Iyo Xildhibaanada Ugu Baaqay In Dhaqaalo Xoogan Lagu Bixiyo Horomarinta Iyo Guulaha Kooxda Koonfur Galbeed

Sheeko:Cayaaraha

Tartanka Maamul Goboleedyada iyo Banaadir oo sanadkii saddexaad ay marti gelinaysa caasimada Muqdisho ayaa si weyn loo hadlayaa xiisahiisa,dhamaan kooxaha ka qeyb galaya ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho,iyadoo koobkan ay difaacanaysa kooxda kubbadda cagta Jubaland.

Taageerayaasha iyo siyaasiinta reer Koonfur Galbeed ayaa door wanaagsan sanadkan u muujiyay xidigahooda,waxaana Xildhibaan Afgooye uu Madaxweyne Cabdi Casiis Lafta Gareen iyo Xildhibaanada reer Koofnur Galbed kula dardaarmay in dhaqaalo lacageed oo xoogan lagu bixiyo kooxda Koonfur Galbeed,hadii ay guulasytaan iyo hadii kalaba, si ay niyad dhis wanaagsan ugu noqoto macallimiinta iyo ciyaartooyda.

“Madaxweyne Cabdicaiis Maxamed Lafta Gareen waa nin jecel horomarka dhallinyarada,waxaan rajaynayaa in uu sanadkan kaalin mug leh ka qaato horomarka iyo guulaha xidigaha Koonfur Galbeed” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Xildhibaan Cali Afgooye oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Daawo Warbixin Ku Saabsan Fariinta Xildhibaan Agooye

Sidoo Kale Aqriso Xildhibaane Afgooye Oo Kulan La Qaatay Ciyaartooyda Iyo Macallimiinta Kooxda Koonfur Gabeed

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/xildhibaan-cali-afgooye-oo-balan-qaaday-sare-u-sameeyay-ciyaartooyda-iyo-macalimiinta-koonfur-galbeed/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle