U bood dhigaalka

Xilliga Ay Bilaabaneyso Shaqooyinka Xildhibaannada Cusub Oo La Shaaciyey

Sheeko:Baarlamaanka

Xoghayaha guud ee golaha shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaadey waqtiga rasmiga ah ee la bilaabaneyso shaqooyinka xildhibaanada baarlamaanka Federaalka ee dhowaan lasoo doortey.

Buux ayaa sheegay in ugu horreyn loo baahan yahay iney tagaan xildhibaannada lasoo doortey xafiiska guddiga doorashooyinka dadban ee 2016, halkaasi oo iminka uu sheegay in lagu diyaariyey shahaadooyinka cadeynaya natiijada doorashada, kadibna looga baahan yahay iney tagaan Villa Hargeysa si loogu diyaariyo diiwaangelintooda iyo kaararka aqoonsiga xildhibaannimo.

“Maamulka Baarlamaanka wuxuu diyaariyey wax walbo oo ay u baahnaayeen iney ku billowdaan howlaha baarlamaanka sida diiwaangelinta kaararka aqoonsiga ee xildhibaanka, December 1 ayeey si rasmi ah u billaaban doonaan bixinta shahaadooyinka” ayuu yiri xoghaye Buux.

Sidoo kale xoghayaha ayaa sheegay in si loo dedejiyo howlaha horyaalla baarlamaanka iney diyaariyeen wax walbo oo loo baahan yahay, sidoo kalena diyaar u yihiin iney shaqeeyaan ka maamul baarlamaan ahaan 9-ka subaxnimo illaa 4-ta galabnimo, isaga oo rajo ka muujiyey in kulanka ugu horreeya ee baarlamaanka 10 yeelanayaan uu dhaco 6 bisha December 2016 haddii la helo tirada loo baahan yahay ee ah in kulanka ku furmo oo gaareysa 184 xildhibaan.

Ugu dambeyntii Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi ayaa tilmaamay in fariintiisa ay ku socoto Baarlamaanka Federaalka oo ah labada Aqal oo kala ah Aqalka sare iyo Golaha Shacabka oo marka ay wada joogaan la isku yiraahdo Baarlamaanka Federaalka.

Goobjoog News