U bood dhigaalka

Xilwareejinta Ra’isulwasaarayaasha oo u Dhacday Qaab Casri Ah

Sheeko:Dalka

xilwareejinMaanta oo khamiis ah oo ay xilka kala wareegayeen Ra’isulwasaarihii Hore Cabdiwali Sheekh Axmed iyo kan cusub Cumar Cabdirishiid ayaa waxyaabaha ay ku kala wareegeen waxaa ka mid ah dokumeendiyo, balse qaab cusub oo horey aanan u dhicin ugu kala wareegeen.

Xasan Warsame oo ka tirsan xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa madasha ka sheegey in lagu kala wareejey cajalad ay ku jiraan illaa 50 gal oo mid kasta ay ku jiraan boqolaal duokumendi oo isugu jira waxqabadka dowladda iyo hindiso sharciyeedyo gaaraya 23 oo xukuumadda ay diyaarisey.

Wuxuu sheegey in hadda wax kasta laga dhigey nidaamka loo yaqaano Digital ee casriga ah, taasina ka dhigantahay in waraaqo badan iyo galal badan oo daabacan aanan lagu kala wareegin.

Waxa kaliya ee gacanta isaga dhiibeen labada mas’uul ayaa ahaa dhawr waraaqadood oo lagu soo koobey waxqabadka ugu muhiimsan ee xukuumadda intii ay shaqaynaysay, iyo waraaqda rasmiga ah ee xil wareejinta.

Xil wareejinta ayaa halkeeda kasii socon doonta marka la magacaabo golaha wasiiradda, iyada oo wasiirka xilka baneynaya ay tahay in uu xilka ku wareejiyo wasiirka cusub.

Dhageyso

Xasan Warsame xilwareejinta

Goobjoog News