U bood dhigaalka

Xiriirka Cayaaraha Fudud Oo Ka Qayb Galay Shirwaynaha 28-aad Ee Qaaradda Afrika

Sheeko:Cayaaraha

magaalada Abidjan ee caasimadda dalka Ivory Coast waxaa ka dhacday shirwaynaha 28 ee xiriirada Cayaaraha Fudud ee qaaradda Afrika kaasoo lagu dooranayay hogaanka cayaaraha fudud ee qaaradda.

Dooraashan waxaa Soomaaliya uga qayb galay Guddoomiyaha Xiriirka cayaaraha Fudud Drs Khadiijo Aadan Daahir,waxaana ku loolamayay Hamad Kalkaba Malboum oo dalka Cameroon u dhashay iyo Amara Khaled dalka Tunisa u dhashay.

Doorashadan oo ay codeeyeen 51 dal oo ku midaysan Xiriirka cayaaraha fudud ee qaaradda (Afrika(African Confederation of Athletics ) (CAA) waxaa44 cod helay Hamad Kalkaba Malboum halka 7 cod uu keensaday Amara Khaled, waxaana markale hogaanka qaaraddaloo doortay Hamad Kalkaba Malboum.

Hamad Kalkaba Malboum oo xilkan hayay tan iyo 2003-di ayaa markii ay doorashada dhacday waxuu yiri” Aniga iyo Amara waxaan saaxiibo nahay tan 1999 waana nin wanaagsan oo halgan badan,” maanta aniga ayaa guulaystay berrina isagaa guulaysanaya.

Xiriirka cayaaraha Fudud ee qaaradda Afrika ayaa ka mid ah xiriirada sida weyn loogu amaano cayaaraha fudud qaybtiisa orodka gaar ahaan 800 iyo waxii kasii sareeya,basle orodka 100 ilaa 400 aad looga gacan sareeya iyo qaybaha kale ee cayaaraha fudud, waxaana hogaanka cusub ee dib loo doortya laga doonayaan inuu horumariyo ciyaaraha qaaradda Afrika oo idil.