U bood dhigaalka

Xiriirka Fatxulah Gulen iyo Muftigii Masar Cali Jumca

Sheeko:Dalka

Maxamed Goormaz oo madax ka ah waaxda arrimaha diinta ee dalka Turkiga ayaa waxaa uu ka sheekeeyay markii ugu horeysay xiriir ka dhaxeeyay kooxda Fatxulahi Gulen oo ah ninka lagu eedeeyay inqilaabkii dhcisoobey ee Turkiga iyo Muftigii hore ee dalka Masar Cali Jumca.

Gormaz oo wareysi gaar ah siiyay huffpostarabic  ayaa sheegay in markii uu arkay kala ceyrintii dibadbaxayashii Raabica August 14, 2013kii in uu la hadlay Cali Jumca oo horay ugala dhaxeysay xiriir wanaagsan, si Azhar iyo culimada kale ee Masar ay arrinta soo farageliyaan si dhiigga loo joojiyo markii ay ciidanka xukunka ka tureen Maxamed Mursi.

Gormaz waxaa uu intaa raaciyay in Cali Jumca ka dalbaday in ay kulmaan si uu arrinta ugu sharaxo, markii wadaadka Turkiga uu dhahay aan Istanbul isku aragno, Cali Jumca waa diiday, waxaa la isku afgartay in kulanka uu dhaco 2 maalin kadib caasimadda Urdun ee Cammaan, si looga wada hadlo kaalinta culimada ka qaadan karaan joojinta dhiigga daadanaya.

Nin Kooxda Gulen Ah Ayaa Soo Wacay:

Madaxa arrimaha diinta ee Turkiga waxaa uu sheegay in waxyar kadib markii ay dhamaatay sheekadii xagga Telefanka ee labada nin, muddo 15 daqiiqo kadib ah uu soo wacay ninka 2aad ee kooxda Fatxulahi Gulen oo lagu magacaabo Mustafa Auzgan, kaas oo xiligaas joogay Turkiga, waxaa uuna si faahfaahsan uga sheekeeyay sheekadii labada nin Telefanka ku dhexmartay.

Gormaz waxaa uu Mustaf ka codsaday labo arrin: in ay is arkaan inta aan Cammaan aadin iyo in uu u raaco kulanka ka dhacay Cammaan, markii Gormaz uu Mustafa weydiiyay sida uu sheekada ku ogaaday waxaa uu sheegay in Cali Jumca uu la soo hadlay uuna sheegay u sheegay balanta iyo kulankooda.

Gormaz iyo Mustaf waxaa ay isku arkeen Istanbul, waxaa uu sheegay in mowqifka Turkiga ee ku aadan inqilaabka Masar uu yahay mid khatar ah, Mustaf waxaa uu ammaanay Cabdifatax Al-sisi, waxaa uu sheegay in uu yahay Mu’min aad u fiican, kooxdana ay si fiican u taqaano oo xitaa Fatxulahi uu kala dhaeeyo SISI xiriir aad u wanaagsan.

Mowqifka Cali Jumca ayaa muran badan dhaliyay kadib markii la faafiyay Vedio uu Muftiga ku dhiirgelinayo dilka dibadbaxayaasha, isagoo ugu yeeray Khawaarij.

Gormez waxaa uu sheegay in markii uu ogaaday mowqifka Cali Jumca ee ku aadan taageerada ciidanka Masar kuna aadan in si xoog ah lagu kala diro dibadbayaasha Raabixa inta aanu booqan Urdun uu wacay una sheegay in xiriirkooda uu dhamaamay, isla markaana uu baa’biyay kulankii ka dhici lahaa Urdun.

In Masaajidyada La Galo:

Ninkan waxaa uu ka sheekeeyay si ay ku timid in masaajidyada la galo si looga hrotago inqilaabka Turkiga ka dhacay iyo sida dadka Turkida ay u soo baxeen markii ay maqleen takbiirka iyagoo waddooyinka isugu soo baxay si ay u difaacaan Dimoqoraadiyadda.

huffpostarabic