U bood dhigaalka

Xiriirka Kubbadda Cagta Jubbaland Oo Xafiis Qalabaysan Ku Wareejiyay Ciyaartoydii Hore

Sheeko:Cayaaraha

Xiriirka Kubbadda Cagta Jubaland ayaa xafiis ugu furay magaaalda Kismaayo ciyaartooydii hore Gobolka Jubada hoose waxaana wareejinta xafiiskan ka soo qeyb galay in badan oo ka mid ahaa laacibiintio hore Jubadda Hoose,madaxda xiriirka kubbadda cagta iyo agaasimaha wasaarada isboortiga iyo dhallinyarada Jubaland, waxayna tani noqonaysaa qiimo gooni uu siiyay isboortiga Jubaland.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda cagta Jubaland Axmed Taqal (Timajilac) oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in xafiiskan uu qeyn weyn ka qaadanayo horomarka iyo guulaha isboortiga Jubaland. 

Qaar ka mid ciyaaryahandii hore Jubbadda hoose ayaa u mahad celiyay madaxda Xiriirka kubbadda cagta iyo mas’uuliyeenta maamulka Jubaland,iyagoo sheegay in helitaanka xafiiska oo door wanaagsan ka ciyaari karo guulaha ciyaaraha deeganada kala duwan ee Jubalnd.

Agaasimaha ciyaaraha iyo dhallinyarada Jubaland Cabdiraxmaan Xaaji Cabdi  ayaa bogaadiyay da’daalka ay wadaan ma’suuliyeenta Xiriirka kubbadda cagta,wuxuuna intaa ku daray in howshan ay furo u noqonayso in lagu daysado Jubaland maamulada kale ay qiimeeyaan dadkooda.

Si kastabada Xiriirka kubbadda cagta Jubaland ayaa wada da’daalo kala duwan oo dhinca horomarinta waxaana howlaha socda dhiiri geliyay dadka deegaanka ciyaartooydii hore Jubada hoose.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Xafiiska Loo Furay 

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle