U bood dhigaalka

Xiriirka Soomaaliyeed Ee Kubbadda Cagta Oo Afarta Sano Ee Soo Aadan Xoghayahooda Cusub U Magacaabay DR.Yuusuf Muxidiin Oo Ah Aqoonyahan Dhalinyaro Ah

Sheeko:Cayaaraha

Tan iyo markii dib loo doortay 15-November 2018 madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda waxaa xafiisyada shaqooyinka kala duwan kusoo biiray tiro dhalinyaro ah kuwaas oo qeyb ka ah qorshayaasha horamarinta xiriirka kubbadda cagta dalka ee sanadaha soo aadan.

Gudiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa shir ay yeesheen waxa isla qaateen in DR.Yuusuf Muxyidiin oo ah aqoonyahan dhalinyaro ah loo magacaabo xoghayahooda cusub,isagoo xilkan kal wareegay Xasan Maxamuud Xasan (Xasan Farey) oo xilkaas horay u soo hayay,DR Yuusuf ayaa sheegay in uu ku farax-sanyahay xilka loo magacaabay.

Xasan Maxamuud Xasan (Xasan Farey) in ka badan 30-sano ayuu ka shaqeeynay horomarinta kubbadda cagta dalka,isagoo afartii sano lasoo dhaafay ahaa xog-hayahii guud ee xiriirka waxa uu sheegay inta uu joogay xafiiska xogheynta xiriirka ay soo hooyeen guula muuqda oo gudaha dalka iyo dibada wuxuuna intaa raaciyay in si dhaw uu ula shaqeyn doono Yuusuf Muxidiin oo ah xog-hayaha cusub.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab oo goobjoog ahaa munaasabada soo dhaweynta xog-hayaha cusub ayaa tilmaamay tan iyo markii ay dib ugu soo noqdeyn xafiisyada shaqada ay fursad siiyeen dhalinyarada waxa soo baratay hadafka laga lee yahayna ay tahay in guud la horomariyo kubbadda cagta wadanka ayna ku kalsoon yihiin aqoonta iyo qibrada DR.Yuusuf Muxidiin.

“Waxaan xooga saari doonaa isku xirka xiriirada kubbadda cagta maamul-Goboleedyada iyo xiriirka Soomaaliyeed si hadafyada aan lee nahay ay u gaarto bulshadeena oo badankooda jecel kubbadda cagta iminka meesha aan joogno waa meel wanaagsan ana waxaa jecelahay in aan xafiiskan ka tago taariikh weyn” waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay DR Yuusuf Muxidiin oo ah xog-yahay cusub ee xiriika kubbadda cagta.

Bahda ciyaaraha ayaa aad usoo dhaweeyay magaacibada xog-hayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed Yuusuf Muxiidin Axmed,iyagoo goorsii horaysay madaxda xiriirka ku bogaadiyay xulashadii guddomiyaha guddiga garsoorayaasha Xasan Aadan Yabarow Wiish waxaynta tani kalsooni siisay dhalinyaro badan.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/804331013283362/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle