U bood dhigaalka

Xirnaashaha Waddooyinka Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Doorashada

Sheeko:Amniga

Caawa waxaa gebi ahaanba hakad la geliyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee magaalada Muqdisho, taas oo lagu wado in ay beri ka dhacdo doorashada madaxweynaha 10-aad ee dalka.

Ciidamo fara badan ayaa lagu arkayaa waddooyinka caasimadda, kuwaas oo shacabka ka celinaya adeegsiga waddooyinka qaar.

Magaalada Muqdisho ayaa si wayn looga dareemaya doorashada madaxweynaha, iyadoo baraha bulshada ay aad u qabsadeen shaqsiyaadka u sharaxxan doorashada kursiga ugu sareeyo ee dalka.

Inbadan 39 musharax ayaa isku soo taagay xilkaan, kuwaas oo uu kamid yahay madaxweynihii shantii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay kursiga iyo madaxweynayaal hore.

Xirnaashaha waddooyinka ayaa dhibaato ku noqotay dadka ku dhaqan caasimadda, kuwaas oo noloshooda ay ku tiirsan tahay intooda badan shaqooyinka maalinlaha ah oo ay qabtaan.

Goobaha waxbarashada ayaa dhammaan la fasaxay sababa la xiriira xirnaashiyaha waddooyinka magaalada ee maalinta doorashada oo ku beegan Axadda berri ah.

Doorashadaan ayaa ah mid diyaar garowgeeda uu soo bilaawday waqti hore, xilli musharixiinta qaar ay olalahoodii ugu dambeeyay ay labadii cisho ee tagtay ay muqdisho ka sameeyeen.

Goobjoog News