U bood dhigaalka

Xisbiga Deni Oo Bixiyay Lacago Lagu Ganaaxay

Sheeko:Amniga

Urur siyaasadeedka madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta bixiyay lacago ganaax ah oo guddiga doorashooyinka Qof iyo codka ah ee deeganada Puntland.

Kaah ayaa guddiga doorashooyinka Puntland waxa ay ku ganaaxeen adduun lacageed gaaraya $1,000 taas oo uu ku muteystay in uu jabiyay xeerka olalaha axsaabta.

Qoraal ka soo baxay ururka KAAH ayaa lagu sheegay in ururka maanta uu iska bixiyay lacagti lagu ganaaxay.

“Urur siyaasadeedka KAAH ayaa maanta guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ku wareejiyey lacag cadadkeedu dhan yahay $1,000 (kun dollar), oo ahayd ganaaxii uu dhowaan guddiga TPEC ku soo rogey ururka Kaah,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay ururka KAAH.

Deeganada Puntland ayaa waxaa muddooyinkii u dambeyay waxaa ka socda olalaha doorashada qof iyo codka ah ee deeganada Qardho, Ufeyn iyo Eyl looga qabanayo.

Goobjoog News