U bood dhigaalka

Xisbiga Himilo oo Xoghayihii Guud Ceyriyey iyo Jawaabta uu Ka Bixiyey

Sheeko:Amniga

Kulan ay isniintii isugu yimaadeen guddiga fulinta ee Xisbiga Himilo Qaran ayaa lagu sheegay in xubinimadii iyo jagadii laga qaaday Xildhibaan Cabdixakiim Macalin Axmed oo ahaa Xoghayihii Guud ee Xisbiga Himilo Qaran.

Xildhibaanka ayaa horay u sheegay in Dhuusamareeb aaney joogin ciidamo Itoobiyaan ah oo ka baxsan AMISOM arrintaas oo ka hor imaaneysa qoraal isla xisbiga ah oo dhaleeceeyey joogitaan ciidamo Itoobiyaan ah.

Dhankiisa, Xildhibaan Cabdixakiim Macalin Axmed  oo ka hadlay waxaa uu yiri “Waxaan soo dhaweynayaa aqblaadda uu Xisbiga Himilo Qaran ee aan ka tirsanaa ku oggolaaday inaan isaga tago xubinnimada xisbiga, maadaama aan isku ku aragti ka noqon waynay arrima masiiri ah oo aan xallin weynay. Xubnaha Xisbiga qaarkood waxaan aad ugu kala aragti duwanaanay isku day ay wadaan siyaasiyiinta qaarkood oo ah in colaado laga huriyo deegaanka aan anigu matalo ee Dhuusamareeb, iyo guud ahaan Galmudug, si fowdadaas looga dhex raadiyo dana siyaasadeed oo aan u arkayay in aysan deegaanka dani ugu jirin.

Xildhibaanka Macalin oo sii hadlaya “Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya waxaan isku aragti ka noqonay arrimaha ku saabsan dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka shaqeynteedu ay tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee aan ku matalo dadka iyo deegaanka Galmudug taas ayaana keentay in xubnaha qaar ay u cuntamiwaysay.

Mar uu ka hadlayey Ciidamada Itoobiya  waxaa uu yiri “Majiro ciidan itoobiyaan ah oo aan kan AMISOM ahayn oo dhuusamareeb jooga, laakiin waxaan rabaa in aan caddeeyo Marnaba in aanan raalli ka noqonaynin, in Ciidan Itoobiyaan ah iyo mid kale toona ay farageliyaan nidaamka doorashada ee Galmudug, sidoo kalana lama aqbali karo in buunbuunis iyo been abuur lagu dhaawaco hannaanka dib u heshiisiin iyo doorasho ee galmudug.

Goobjoog News