U bood dhigaalka

Xisbiga Horomarka Shacabka Oo Soo Dhoweyay Heshiiskii Dhuusamareeb-3

Sheeko:Amniga

War qoraal  ah oo ka soo baxay xisbsiga Xisbiga Horumarka shacabka  ayaa looga hadlay  arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin , qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusmareeb-3 xaalada guud ahaan dalka xukumada xil- gaarsiinta iyo arimo kale.

Xisbiga Horumarka shacabka  ayaa sheegay in nooca Degaan  doorasho ay tahay bilow  wanaagsan   , hase ahaatee loo baahan yahay in taladeeda wax laga siiyo saamileyda siyaasadeed  isla markaana ay yihiin kuwo la fulin karo.

Qoraalkan   oo ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Xisbiga Horumarka shacabka Mudane  Cali Maxamuud Ciise- Cali Guray ayaa sidoo kale lagu soo hadal sida ay muhiim u tahay In la isku baadi- goobo dhinacyadii ka maqanaa shirkii Dhuusmareeb-3  sida Puntland iyo Jubbaland.

Warsxafadeedka ayaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay  in dalka ay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal  isla markaana la qabto doorasho ka bedelin tii 2016-kii, kana casrisan lana aqbali doonin  dib u dhac waqtiga doorashada.

Mar uu  Gudoomiyaha Xisbiga Horumarka shacabka Mudane  Cali Maxamuud Ciise- Cali Guray  ka hadlay Ra’iisulwasaaraha  magacaabistiisa laga sugayo Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu yiri.

“Madaxweynaha waa in uu soo magacaaba  Ra’iisulwasaare dar-dar galiya howsha doorashooyinka ee , lana fariistaa dhinacyada ka maqanaa shirka ee Jubbaland iyo Puntland iyo saamileyda siyaasadeed si loo hal mowqif oo la isku raacsan yahay si dalka  uusan  u galin marnaan”

Xisbiga ayaa sidoo kale sharci daro ku tilmaamay sidoo kale  in xukuumada xil garsiin ay magacowdo xil,  keliya shaqadeeda ay tahay in  xilka ay  gaarsiiso Ra’iisulwasaaraha la soo magacaabayo.

Daawo Qoraalka Ka Soo Baxay Xisbiga Horomarka Shacabka

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/1026436897788755/

Goobjoog News