U bood dhigaalka

Xisbiga Wadajir Oo Ka Horyimid Shirka Shidaalka Ee London

Sheeko:Dalka

Xisbiga Wadajir oo ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa ka mid noqday xisbiyada ka horyimid shirka xaraashka bolookyada shidaalka ee ka dhacaya London 7-bada bishan.

Qoraal ka soo baxay xisbiga waxaa lagu sheegay in shuruucda loo baahnaa aan la dhameystirin iyo iyadoo sharcigii Batroolka iyo Khayraadka aysan 2-da aqal ee Baarlamaanku meelmarin, lana dhisin hay’addii iyo golayaashii laga maarmaanka u ahaa ilaalinta shidaalka iyo Macdanta Soomaaliya.

Halkan Ka Akhriso, Qoraalka Xisbiga Wadajir:

Xisbiga Wadajir wuxuu walaac xoogan ka muujinayaa kulan ay soo abaabuleen xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkada (Spectrum) oo 07 Febraayo 2019 lagu qabanayo magaalada London, kaa soo lagu beecinayo xirmooyin 50 (Blocks) oo shidaalka Soomaaliya ka mid ah oo ku teetsan dhul ku fadhiya 173,000 km. Xaraashka (Auction) xirmooyinka shidaalka ayaa la qabanayaa iyadoon hal qodob laga taabagelin heshiiskii ay 05 Juun 2018 magaalada Baydhabo ku gaareen Dawlada dhexe iyo dawlad Goboleedyada. Heshiiska Lahaanshaha maamulka iyo wadaaga dakhliga khayraadka dabiiciga ah ee dalka (Shidaalka iyo Macdanta) ayaa dhigaya:

1) In sharciga Shidaalka iyo Macdanta laga ansixiyo 2-da aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Xukuumadu ma ansixin sharcigaa.

2) In la dhiso Golaha Khayraadka Dalka oo ah Golaha ugu sarreeya ee lagu lafa guro Arrimaha khayraadka ee u baahan in laga heshiiyo, waxaana xubno ka ah madaxda fulinta ee heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed.

3) In la dhiso Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, taasoo lagu dhisayo sharci gooni u ah waxayna ka shaqayn doontaa wada hadallada heshiisyada, diyaarinta shatiyadda, kormeerka, hubinta iyo hirgelinta sharciyadda Batroolka. Xukuumadu ma dhisin hay’adaas.

4) In la dhiso Shirkadda Shidaalka Soomaaliyeed (Somali National Oil CompanySONOGRAM) oo ah shirkad ay yeelanayso Dawlada Soomaaliya oo masuul ka noqonaysa sahminta, dhismaha kaabayaasha shidaalka, sifeynta, soo saarida iyo suuq gaynta, rasumaalka iyo wadaaga saamiyada shirkada, taasoo lagu qeexayo sharci gaar ah.

Waxaa sharci daro ah in la qabto shir lagu xaraashayo (Auction) ama beecinayo shidaalka Soomaaliya, iyadoo sharcigii Batroolka iyo Khayraadka aysan 2-da aqal ee Baarlamaanku meelmarin, lana dhisin hay’addii iyo golayaashii laga maarmaanka u ahaa ilaalinta shidaalka iyo Macdanta Soomaaliya.

Xukuumadu waxay soo saartay qoraal ay ku sheegayso ujeedka shirka uu yahay xog wadaag, laakiin waxaan tuhun ka qabnaa qoraalka shirkada (Spectrum) ee cadaynaya in ujeedku yahay iibinta xirmooyin shidaal, maadaama uu shirkii soo bandhigida xogta shidaalka Soomalaiya horay loogu qabtay wadanka Koonfurta Afrika. Waxaan xukuumada ugu baaqaynaa in ay shirkaas joojiso. Hawlaha sidaan xasaasiga u ah waxay u baahan yihiin wadatashi iyo aragti midaysan oo xooggaga siyaasadeed isla meel dhigaan. Ma aha hawl ay xukuumadu kaligeed go’aansan karto, maadaama ay waxa miiska saarani ay yihiin hanti Qaran.

Haddaba, waxaan uga digaynaa shirkadaha loogu yeeray shirka in ay ku kadsoomaan iibsiga xirmooyinka (Blocks) shidaal ee ay xukuumada soo bandhigayso. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in ay ka soo qaybgalaan mudaaharaad ka looga soo horjeedo iibinta xirmooyinka shidaalka Soomaaliya si ay u ilaashadaan khayraadka dalkooda, kagana hortagaan xaraashka shidaalka iyo Macdanta dhulkooda.

Goobjoog News