U bood dhigaalka

Xisbiga Waddani Oo Dalbaday In La Caddeeyo Qodobada Ku Qoran Heshiiska Dekadda Berbera

Sheeko:Dalka

Xibsiga mucaaradka Waddani ee Somaliland ayaa sheegay in marnaba aanay raali ka ahayn heshiiskii Saddex-geesoodka ahaa ee dekadda Berbera, ayna dalbanayaan in la caddeeyo qodobada ku qoran heshiiskaasi.

Cabdullaahi Daamur oo ka tirsan xisbigan ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in heshiiskan uu u muuqdo mid daaqadda looga soo dhacay Somaliland, muhiimna ay tahay in loo caddeeyo shacabka Somaliland.

“Markii hore heshiiska gacan-ku-rimis buu ahaa, waxaan dooneynaa ka xisbi ahaan in la caddeeyo qodobada heshiiska ku qoran, waayo hadda waa Saddex-geesood, waxaana soo galay Itoobiya, waa in la horkeenaa baarlamaanka dibna loo eego” ayuu yiri Damuur.

Sidoo kale, Cabdullaahi Damuur oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in mashruuca dekadda Berbera la qariyo banaankana la keeno mashaariic aad u yaryar.

“Mashruucaan dekadda Berbera waa wadnihii dalka, waxay ahayd in la caddeeyo, sababtoo ah mashaaraiic ka yar yar baa la caddeeyaa, waxaa qayb laga siiyey dal shisheeye, waana in la ogaadaa sababta loo siiyey”

Muran xooggan ayaa hadda ka jira heshiiska dekadda Berbera, kadib markii ay heshiis wadajir ah ku gaareen Somaliland, Itoobiya iyo DP World.

Goobjoog News