Xisbiyada Daljir, Wadajir, Kulan iyo Horusocod Oo Farmaajo Ka Dalbaday Inuu Raalli-geliyo Djibouti

Xisbiyada kala ah Wadajir, Daljir, Kulan iyo Horusocod  ayaa  warsaxaafadeed  ka soo saarey baaqii uu madaxweyne Farmaajo kaga dalbaday Qaramada Midoobay In Eratariya Cunaqabateynta Saaran Laga Qaado, iyaga oo Farmaajo ka dalbaday inuu raalli-gelin siiyo shacabka iyo hoggaanka Djibouti.

Qoraalka Xisbiyada waxaa uu u qornaa sidan: 

Anaga oo ah xisbiyada siyaasadeed ee Wadajir, Daljir, Kulan iyo Horusocod oo hoos ku wada saxiixan, waxaan aad uga xunahay in Madaxweyne Farmaajo uu ku baaqo in laga qaado cunaqabataynta ay Qaramada Midoobay saartay dalka Eratariya, intii uu ku gudo jiray booqashadiisii uu ku tegay Asmara.

In kasta oo aan soo dhaweyneyno in uu hagaago xiriirka u dhexeeya wadamada Geeska Afrika, haddana waxaan qabjab iyo walaac xooggan ka muujineynaa talaabada aan ka fiirsiga iyo mas’uuliyaddaba lahayn ee Madaxweyne Farmaajo ku kacay taas oo dhibaateyneysa Jamhuuriyada Jabuuti, oo ah saaxiibka ugu dhaw uguna fiican oo ay Soomaaliya leedahay.

Waxaan soo dhaweyneynaa in dib loo soo celiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Eratariya laakiin hal booqasho ee Madaxweyne Soomaaliyeed kuma filna inay xaliso arimaha soo jiitamayey ee Eratariya iyo Soomaaliya oo dhinac ah, iyo Eratariya iyo Jabuuti oo dhanaca kale ah. Waxaa sidoo kale muhiim ah in la xuso in booqashadii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu ku tagay Asmara ay ka dhalatay hal sano oo heshiishyo qarsoodi ah oo si hoose ugu socday labada dal. Wadahadal noocaas oo kale ah, loona dhanyahay ayaa gundhig u noqon kara inuu xal u keeno arimaha ka dhexeeya Eratariya, Soomaaliya iyo Jabuuti.

Si kastaba ha ahaatee, heshiis kasta oo ay Soomaaliya la galeyso Eratariya waa in loo fiiriyaa si ku jaango’an xaalada gobolka, iyo danaha isku mataaneysan ee Soomaaliya iyo Jabuuti oo ay leh xiriirka walaaltinimo oo soojireenka ah.

Intaas waxaa dheer, in kasta oo uu kheyraadkeedu kooban yahay, haddana Jabuuti marna kama aysan joogsan inay sii wado dadaalada ay ku caawineyso Soomaaliya si ay markale lugaheeda isku taagto.

Ma jiro dal sida Jabuuti u huray hantidiisa, tamartiisa iyo ciidankiisa sidii ay nabad iyo degenaansho uga aloosmi lahayd Soomaaliya. Ciidanka HIILWALAAL ee Jabuuti waxa ay Soomaaliya ka caawiyeen sidii ay uga adkaan lahayd Al Shabaab, oo ah urur argagixiso. Waxaana xusid mudan in Jabuuti ay dadaaladaas uga dhinteen rag iyo dumar geesiyaal ah.

23-dii December 2009, waxa ay Qaramada Midoobay cunoqabateyn ku soo rogeen Eratariya kadib markii ay taageertay ururada hubeysan ee Soomaaliya, sidoo kalena ay diiday inay joojiso heysashada dhulka Jabuuti.

Taas bedelkeed, Madaxweyne Farmaajo waxa uu qiyaamay dadaaladii aan caadiga ahayn ee dadka iyo Dawladda Jabuuti u galeen dalkeenna. Go’aankiisi ahaa in uu u hadlo Eratariya waxa uu xadgudub ku ahaa caadooyinka iyo hab-maamuuska diblomaasiyadeed ee dunida, waxa uuna qabjab ku ahaa dadka Jamhuuriyada Soomaaliyeed.

Anaga oo ku hadleyna afka dadweynaha Jamhuuriyada Soomaaliyeed, waxaan ka raaligelineynaa shacabka iyo Dawladda Jabuuti qaladka aan laga fiirsan ee uu Madaxweyne Farmaajo kula kacay walaaleheen Jabuuti.

Waxaan cadeyneynaa in shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan iyo si kasta oo ay siyaasada ugu kala duwan yihiin, ay markasta garawsan yihiin dadaalada waqtiga dheer soo socday oo ay Jabuuti u gashay

Soomaaliya. Sababtaas darteedna, waxaan ka mahadcelineynaa kaalmadiina xooggan. Waxaan dhanka kale ugu baaqeynaa Madaxweyne Farmaajo inuu sameeyo tallaabo degdeg ah si uu u saxo qaladkiisa, sidoo kalena uu ka raaligeliyo shacabka iyo Dawladda Jabuuti inuu aaminaadoodii qiyaamay.

Goobjoog News

Related Articles

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW