U bood dhigaalka

Xisbiyada Iyo Guddiga Doorashada Somaliland Oo Ka Shirey Arrimo La Xiriira Doorashooyinka

Sheeko:Dalka

Saddexda xisbi  siyaasi Somaliland ee UCID, Waddani  iyo Kulmiye iyo guddida doorashooyinka Somaliland oo kulan ku yeeshay xarunta guddidu ku leedahay Hargeysa ayaa ka sheegay inay ka wada tashadeen sidii  doorashada madaxweynenimo ee aysan mar kale dib uga dhicin waqtiga loo cayimay oo ah  bisha saddexaad ee sannadka 2017ka.

Hogaamiyayaasha xisbiyada iyo guddoomiyaha guddida doorashooyinka oo warbaahinta si wada jir ah ula hadlay waxay xuseen in laga diyaar garboobayo waxkasta oo dib u dhac ku keeni kara doorashada madaxweynaha .

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka maamulka Somaliland  Eng  Cabdiqaadir Iimaan Warsame  oo ka hadlay kulankan  ay la yeesheen xisbiyada waxa uu ku tilmaamay in xisbiyadu yihiin kuwa koobaad ee qayb ka qaadan kara doorasho waqtigeeda lagu qabto” Waxaanu la kulanay xisbiyada saddexda ah  , waxaanu ka sheekaysanay  sidii  xisbiyadu noogu caawin lahaayeen suurto galnimada doorasho waqtigeeda timaada ,  oo iyagu waxay muhiim ka yihiin cidkasta oo doorashada xiriir la leh madaama ay yihiin kuwii tartamaayeyee doorashada loo qabanaayey” ayuu yiri Guddoomiyaha doorashooyinka.

Doorashooyinka kala duwan ee Somaliland oo inta badan dib uga dhaca waqtiga hore loogu  cayimo ayaa dhinacyada kala duwan ee farsamo ahaan iyo siyaasad ahaanba ay khusaysaa ay isku dusha iska saaraan eedeeda  kulankan ayaa lagu sheegay in qorshe midaysan laga yeelan doono sidii looga wada qayb  qaadan lahaa doorashada oo qabsoonta bisha Maarso ee 2017.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID  Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay kulanka ay la yeesheen guddida doorashooyinka  waxuu sheegay inay diyaar la yihiin inay dhinacooda ka qaybqaataan doorashada qabsoonkeeda”anagu(xisbiyada) waanu barbar taaganahay wixii dhibaato ah ee ka hor yimaadana waanu iskaga imanaynaa intaas ayuu kulankayagu la xidhiidhay waxaanan ku balanay in kulan dhakhso ah layskaga yimaado kolba wixii soo kordha.”

Guddida doorashooyinka ayaa xisbiyada la wadaagay  jadwalka shaqo ee ay rabaan  inay ku  suuro geliyaan  inaysan  doorashadu dib u dhicin sida uu sheegay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee muxaafidka ah ee Muuse Biixi Cabdi “Guddida doorashadu warbixintii ay na siiyeen waxay sheegeen inay hawlahoodu ku socdaan jadwalkii oo ay hada bilaabayaan daabacadii kaadhadhka, marka ay dhameeyana ay u qaybinayaan gobolada oo ay marba laba gobol is raacinayaan, waxay noo sheegeen in doorashadu aanay wakhtigeedii dhaq dhaqaaq lahayn oo ay halkeedii  tahay, waxay noo sheegeen in doorashadu qorshaysan tahay wakhtigeedii hawshuna meel fiican marayso  oo aanu wax warwar ahi jirin anaguna waanu garab taaganahay ilaahayna wax dhibaato ah inaguma keeno.”

Doorashada madaxweyne-nimo ayaa hore Laba sanno dib loogu dhigay waqtigeedii iyada oo lagu sababeeyey in aan dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba Somaliland diyaar u ahayn in doorashada la qabto , inkasta oo madaxweyne Siilaanyo uu  sheegay inuu diyaar u yahay in kursiga uu banneeyo bisha Maarso ee sannadka soo socda hadana waxa jira walaac ka soo baxaaya dhinacyada qaarkood  ka dib markii guddida doorashooyinku ay sheegeen in lacag dhan 8 Million oo doorashada lagu qaban lahaa afar ka mid ah aanay wali gacantooda ku jirin , iyada oo ay hay’adaha Somaliland ka caawin jiray doorashooyinkuna ay qaarkooda ka gaabsadeen bixinta lacagtaasi ka dib markii ay dhaliileen go’aan uu madaxweyne Siilaanyo u kala qaaday labada doorasho ee baarlamaanka iyo madaxweynaha oo ay hay’aduhuna rabeen inay  hal mar la qabto