U bood dhigaalka

Xisbiyada mucaaradka oo guddi u magacaabay khasaaraha ka dhashay banaabaxyo ka dhacay Somaliland

Sheeko:Amniga

Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo WADANI, ayaa magacabay guddi baaritaan ku sameeyay khasaaro ka dhashay banaanbaxyo maalintii khamiista ahayd ka dhacay magaalooyinka waawayn ee Somaliland.

Guddigaan ayaa ka kooban sagaal xubnood, kuwaas oo 5 kamid ah ay ka socdaan xisbiga WADANI, halka afar kalena ay ka socdaan xisbiga UCID.

Xubnahaan ayaa baarayo khasaaro dhimasho iyo dhaawac ka dhashay rasaas ay ciidamada dowladda ku fureen dad shacab ah oo banaan bax dhigayay.