U bood dhigaalka

Xisbiyada Siyaasadeed Oo Ka Digay Faragelin Ay DF iyo Shisheeyeba Ku Sameeyaan Doorashada Jubbaland

Sheeko:Amniga

War saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Xisbiyada kala ah Himilo Qaran, UPD, Wadajir, Ilays, Xisbiga Nabadda, ayaa waxay uga digeen dowladaha deriska qaarkood faragelinta doorashooyinka dowlad goboleedyada, iyagoo xusay inay wadaan dhaq dhaq dhaqaaqyo cusub oo shaki abuuri kara, waxaa ay ugu baaqeen inay ka fogaadaan oo aanay dhicin mid la mid ah wixii ka dhacay Baydhabo sanadkii hore.

Sidoo kale Xisbiyada ayaa walaac ka muujiyay faragelin ay sheegeen in dowladda Federaalka soomaaliya ay ku heyso geeddi socodka doorashooyinka Jubbaland.
Halkaan ka Akhriso

Goobjoog News