U bood dhigaalka

Xisbiyada Dalka Qaarkood Oo Soo Dhaweeyay Meelmarinta Golaha Wasiirada Ee Sharciga Axsaabta

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa soo dhaweeyay meelmarintii shalay golaha wasiirada ee sharciga axsaabta dalka.

Gudoomiyaha Xisbiga Umadda Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa ku tilmaamay  meelmarinta sharciga axsaabta ee Golaha wasiirada ay meel mariyeen Guul u soo hoyatay Umadda Soomaliyeed.

Sakariye ayaa sidoo kale sheegay in ay ka laabanayaan go’aankoodii dacwadda ay kaga gudbiyeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya iyo wasiirka arrimaha gudaha oo ay ku eedeeyeen in sharcigaan uu ka gudbi weysanaa.

Wuxuu kaloo tilmaamay in ansixinta sharciga uu uga dhigan yahay Soomaaliya fursad weyn oo umadda Soomaaliyeed ay kaga bixi karaan dhibaatooyinka.

“Waan u mahadcelinaynaa xukuumadda sida ay uga soo baxeen waajibaadkii saarnaa, waxaana dib uga laabanaynaa dacwaddii Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka arrimaha gudaha” ayuu yiri sakariye.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay kulan ballaaran yeelan doonaan madaxda xisbiyada wadanka oo ay ku falaqeynayaan arrintani.

Goobjoog News