U bood dhigaalka

Xisbiyo Siyaasadeed oo ku bahoobay Muqdisho, sheegeyna in ay isu diyaarinayaan doorashada 2016

Sheeko:Dalka

Cabdullaahi Sheekh XassanIllaa 7 xisbi siyaasadeed ayaa maanta ku dhawaaqey gole ay ku mideysanyihiin kaasi oo loogu magacdaray Golaha Isu Taga Xisbiyadda Siyaasadeed, waxaana guddoomiye loogu doortey halkaasi Cabdullaahi Sheekh Xassan.

Afayeen u hadlay Golahani oo lagu magacaabo Cali Maxamed Guuleed ayaa sheegey in ay u midoobeen danta dalka iyo sidii ay u hogaamin lahaayeen Soomaaliya.

Waxaa Goobta sidoo kale ka hadlay, kana qeybgalay xildhibaano iyo siyaasiyiin kala duwan, waxaana xildhibaanada ka mid ahaa Daahir Amin Jeesoow oo xisbiyada kula dardaarmay in aysan noqonin sidii jabhadihii dalka ka kacay oo kale.

Cabdullaahi Sheekh Xassan oo hadal jeediyey ayaa ka digey in ay burburto dowladda Somaaliya ee hadda jirta, lana waayo wax la kala dhaxlo.

 

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News