U bood dhigaalka

Xog Cusub: Wasiir Ku-xigeenka La Xiray Xoog Ayaa Lagu Kaxeystey

Sheeko:Amniga

Ilo ku dhow wasaaradda arrimaha dibadda ayaa Goobjoog News u sheegay in Mukhtaar Mahad Daa’uud oo ah wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee xukuumadda Kheyre loo dhacay xafiiskiisa, isla markaana xoog lagu kaxeystey, loona xiray si sharciga ka baxsan.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in uu jiro khilaaf hore, arrinta musuqana ay tahay mid lagu soo gambanayo.

Saacad ka hor, ilo hey’adaha amniga ka tirsan ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in ciidamada dowladda ay xireen Mukhtaar Mahad Daa’uud oo ah wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee xukuumadda Kheyre.

Mukhtaar Mahad Daa’uud waxaa lagu eedeeyay arrimo la xiriira musuq, iyada oo hadda lagu wado baaritaan arrimahaas la xiriira.

Mukhtaar waa sarkaalkii ugu sareeyay ee ka tirsan xukuumadda Xasan Kheyre oo loo xiro arrimo la xiriira musuq.

Goobjoog News waxaa kale oo ay la xiriirtay xafiiska ra’isul wasaaraha si arrinkan uga jawaabaan, laakin waa ka gaabsadeen